Somali News Top News

DEG DEG: Ra’isul wasaare kheyre oo Raali galin ugu tagay Senator qeybdiid Muxuuse kala soo kulmay?

Ra’isul wasaare xasan cali kheyre ayaa Gurigiisa ku booqday Senator Cabdi xasan cawaalle qeybdiid Oo shalay gurigiisa weerar lagu qaaday.

Ra’isul wasaare kheyre ayaa raali galin ugu tagay senator qeybdiid oo shalay lagula kacay xadgudub ka baxsan sharciga iyo dastuurka dalka u dagsan.

Mudane kheyre ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay xubnaha qoyska senator qeybdiid oo shalay ku sugnaay guriga marka ciidamada soo weerarayeen waxaana ra’isul wasaaruhu muujiyay in uu aad uga xunyahay falkii shalay dhacay xukuumaddana ay talaabo cad ka qaadi doonto saraakiishii ku lugta laheyd weerarka guriga senator qeybdiid.

Senator qeybdiid ayaa ra’isul wasaare kheyre ka codsaday in lasoo ogaado saraakiisha soo abaabuushay weerarka amarkana soo siisay ciidamada galay gurigiisa xad gudubkana u geestay qoyskiisa.

Related posts

Sawirro:- Tuuladii Ciyaaraha oo gabo gabo ah

admin

Muqdisho:- Sarkaal Sare oo ku dhintay iska horimaad ka dhacay Muqdisho

Ahmed sudani

Dalladda guud ee Ururada Dhaliyarad Puntland (PYAN) oo si rasmi ah ugu soobiiray PEDAN

Tifaftiraha K24