DEG DEG Ra,isal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre Oo Xilal Cusub Magacaabay

0

Warar hoose ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu ku wargaliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yariisow in inta ugu badan Guddoomiyeyaasha cusub uu soo magacaabi doono lagu qancinayo shaqsiyaad ay wataan Xildhibaanadii habeen iyo maalin waday ololihii xilkiisa looga taqalusay Guddoomiyihii Golaha shacabka.

Ra’isul wasaare Kheyre, ayaa la sheegay in magacaabida Guddoomiyayaasha cusub ee Degmooyinka uu ku qancin doono Xildhibaano dhowr ah oo iyagu wata Shaqsiyaad ay isku heyb yihiin waxaana Kheyre uu abaal marin kaga dhigayaa sidaay u suurta galiyeen in Xukuumadda xafiiska ka dirto Guddoomiyihii golaha Shacabka.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa Xildhibaanadii horkacayay Mooshinka laga keenay Jawaari wuxuu u balanqaaday in uu xilal siin doono shaqsiyaad ay wataan sidoo kale ay iyaga heli doonaan xilal ay ka mid yihiin Wasiiro, Ku­xigeeno, Wasiiru dowlayaal iyo xilal kale.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Gobolka Banaadir ayaa qaadan doona amarkaasi kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.