Animation

DEG DEG: Qarax xoogan oo magaalada dhan laga maqlay ayaa ciidamada itoobiya lagula eegtay magaalada….

no responses
Wednesday February 15, 2017 - 8:35 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa waxa ay sheegayan in qarax xoogan uu ka dhacay bartamaha magaalada .

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ciidamo itoobiyaan ah oo maraayay xaafada Buundo Labaad ee Baledweyne.

Kolonyada waxaa la sheegay in qaraxa uu haleelay inkastoo aan la ogeyn qasaaraha ka soo gaaray ciidanka.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay arkayeen miinada oo kolonyada la qarxeysa balse aysan xaqiijin karin qasaaraha ka dhashay.

Qaraxa oo ahaay mid xoogan ayaa waxaa guud ahaan laga maqlay xaafadaha magaalada beled-weyne.