Animation

DEG DEG: Qarax xoogan oo ismiidaamin ah ayaa salaada cisho ka hor ka dhacay bartamaha boosaaso iyo dhimashada oo sii caga cageyneysa…..

no responses
Tuesday May 23, 2017 - 5:45 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lala beegsaday bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay xiliyada habeenkii ah dadka iyo gaadiidka ay ku baaraan.

Weerarkan ayaa dhacay ka hor salaadii cishe iyada oo xilgaas wadadu mashquul ahay waxaana la sheegay in qasaaro uu ka dhashay.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku geeriyootay afar ruux oo laba kamid ay yihiin ciidamada ammaanka halka labada kale ay yihiin dad shacab ah sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay ilaa 8 ruux oo shacab iyo askar isugu jira.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu ka shakiyay askari koontaroolka ku sugnaay balse wadaha gaariga uu ka dhago adeegay in la baaro waxyar kadibna uu goobta isku qarxiyay.

Facebook Comments