Animation

DEG DEG: Qarax Xoogan oo Guud ahaan Laga Maqlay Magaalada Muqdisho iyo Rasaas Xoogan oo Hadalaga Malqaayo Meel aan Sidaas uga Fogeyn Ta……

no responses
Saturday November 5, 2016 - 4:06 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka Imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in Goordhaw Qarax xoogan laga Maqlay Guud ahaan magaalada Muqdisho xaafado kamid ah waxaana Qaraxaasi uu ka dhacay Agagaarka Taalada Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa Marka uu dhacay Waxaa xigay Rasaas xoogan oo aan la ogeyn Cida Rideysa Ha yeeshee Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay in ay ku Badanyihiin Ciidamada Dowlada oo aad u hubeysan waxayna Goobta u dhaw Dhismaha Baarlamaanka soomaliya.

Lama Oga qasaaraha ka dhashay Qaraxa iyo Nooca uu ahaa Balse waxa ay u Badantahay in Qaraxa uu ahaa Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo Buuxiyay Maadama Xoogiisa Magaalada oo dhan laga Maqlay.

La soco Goordhaw Faah Faahin dheeraad ah iyo Sawirro Insha allah