Animation

DEG DEG: Qarax Xoogan oo Goordhaw Ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah faahin Hordhac ah oo laga helaayo

no responses
Friday October 21, 2016 - 12:48 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar Dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan Qarax Xoogan oo Goordhaw ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miinada Dhulka lagu Aaso ayaa waxa ay ka dhacday wadada dheer ee Warshadaha iyadoona wararka ay sheegayan in Qaraxa Lagu Bartilmaamedsanaayay Kolonyo Gaadiid ah oo Ciidanka Amisom ay Leeyihiin Kuwaasi oo Xiligaas Wadada ku socdaalayay.

Balse Warar hordhac ah oo Qaraxa ka soo baxay ayaa sheegaya in Ciidankii Amisom ee Qaraxa lagu Bartilmaamedsanaayay ay Gudbeen Wadada Markaasi Kadib uu qaraxa dhacay oo wax qasaaro ah uusan kasoo gaarin Kolanyadii Ciidanka Amisom.

Qasaaro ayuu qaraxa geestay oo Dad Shacab ah Waxaana la Xaqiijiyay Dhaawaca 2 Ruux oo Shacab ah oo Wadadaasi Maraayay Xiliga Qaraxa uu Dhacaayay.

Ma jirto Cid sheegatay Masuuliyada Qaraxa Waxaana Goobta Qaraxa uu ka dhacay soo gaaray Ciidanka Dowlada oo Halkaasi Baaritaano ka bilaabay.