Animation

DEG DEG: Qarax Xoogan oo Goordhaw ka dhacay Dagmada Hodan Gaar ahaan Halka loo Yaqaan……

no responses
Monday October 24, 2016 - 3:31 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan Qarax Xoogan oo Goordhaw ka dhacay Dagmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegay in uu ku qarxay Suuqa Beerta Jaadka ee Dagmada Hodan iyadoona Gaariga la dhigay meel aan suuqa sidaas uga fogeyn,

Gaariga oo Noociisa ahaa Spacio ayaa  sida la sheegay Kaligiis ku Qarxay wax qasaaraha ahna kama dhalan.

Maamulka Dagmada masuuliyiin ka tirsan ayaa goobta qaraxa soo gaaray waxayna faah faahin ka bixiyeen qaraxa iyo sida uu u dhacay.

Waa qaraxii Labaad oo mudo 24 saac gudahood ka dhaca Magaalada Muqdisho Xalay Dagamda Boondheere ayuu gaari ku qarxay Galabtana Dagamda Hodan suuqa Beerta Jaadka ayuu gaari kale ku qarxay Laamaha Ammaanka wel kama aysan hadlin qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho.