Animation

DEG DEG: Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay agagaarka guriga madaxweynihii hore ee soomalia iyo qasaaro ka dhashay

no responses
Wednesday June 7, 2017 - 4:06 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan qarax xoogan oo waxyar kahor ka dhacay agagaarka guriga madaxweynihii hore ee soomalia c/qaasim salaad xasan.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaay miino nooca dhulka lagu aaso oo meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa lala eegtay gaari ay saaranyihiin ciidamo dowladda ka tirsan.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo mid kamid ah uu yahay askari halka mid kale uu yahay wiil dhalinyaro ah oo wadada maraayay.

Ciidamada ammaanka ayaa soo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay howlgallo ayeyna ka sameeyeen.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta ciidamada xasilinta caasimadda ay howlgallo xoogan ka sameeyeen qaar kamid ah isgooysgada magaalada muqdisho.

Facebook Comments