Animation

DEG DEG: Qarax loo maleynaayo in ay ka dambeeyaan kooxda daacish oo ciidamada puntland lagula eegtay deegaanka…..

no responses
Sunday April 23, 2017 - 10:52 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan qarax goordhaw buuraha galgala lagula eegtay ciidamo ka tirsan maamulka puntland.

Qaraxa oo ahaay miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay mid kamid ah baabuurta dagaalka ee ciidamada Puntland oo marayey duleedka galgala ee gobolka bari.

Qasaaraha ka dhashay qaraxa ilaa iyo hada lama xaqiijin waxaana saraakiisha puntland oo aan la xiriirnay ay ka gaabsadeen in faah faahin dheeraad ah ay ka bixiyaan qasaaraha qaraxa ka soo gaaray ciidamada.

Buuraleyda galgala waxaa dhowr jeer qaraxyo lagula beegsaday ciidamo ka tirsan puntland waxaana halkaasi ay fariisimo u tahay koox taabacsan daacish oo uu hogaamiyo shiikh c/qaadir muumin oo horay uga tirsanaay alshabaab balse hada bayco ama heshiis kula jira kooxda daacish.