DEG DEG: Qarax goordhow ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii ugu danbeeyay

0

War hadda soo dhacay ayaa asheegaya inuu Qarax ka dhacay aagga Ex Koontorool Afgooye oo laga soo galo magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday ciidamada Dowladda Soomaaliya, wuxuuna ahaa miinada dhulka lagu aaso ee la hago, iyadoo lagu qarxiyay Gaari ay la socdeen ciidmada dowladda oo xilligaas marayay Ex. Koontorool, siiba waddada ka timaada Jidka Warshadaha.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya inuu jiro qasaare ka dhashay qaraxa oo gaari lala beegsaday uu markaas yaallay goob farsamo, waxaana waxyeelo soo gaartay dadweyne iyo gawaari kale oo goobta ka dhowaa.