Animation

DEG DEG: Qarax Baabuur lagu soo Xeray oo Goordhaw ka dhacay Muqdisho…

no responses
Wednesday September 21, 2016 - 12:06 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

War degdeg ah oo hada soo dhacay ayaa sheegaya in qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhacay Isgooska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhasheen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa kadib Qof Goobjoog ahaa ayaa inoo sheegay in qaraxa gaariga uu dhacay xili uu taagnaa goob uu shidaal ka qaadanayay, waxaana gaariga qaraxa uu haleelay la sheegay in uu ahaa nuuca raaxada ayna la soceen sadex qof.

Warar horu dhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in hal qof oo kamid ahaa dadkii gaarigasi saarnaa uu dhintay, waxaa sidoo kale ku dhaawamay qaraxasi labo qof oo kale kamid ahaa dadkii saarnaa.

Wali lama oga cida ay yihiin dadka qaraxa loogu soo xiray gaarigii ay la socdeen, mana jiro ilaa hada wax war ah oo ku aadan qaraxan oo kasoo baxay laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya.

Naga Fillo Warkaan Wixii kusoo kordha