Animation

DEG DEG: Puntland oo Ciidamadeeda kala Baxday Magaalada Galkacyo Xagee ayeysa ku Wajahanyihiin????

no responses
Monday October 31, 2016 - 5:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka Imaanaya Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo ku Sugnaay Galbeedka iyo Gudaha Magaalada Galkacyo ay Dib uga Baxeen Goobihii ay ku Sugnaayeen.

Ciidamada Puntland ee Faarujiayay Fariisimihii Galkacyo ay kaga sugnaayeen ayaa la sheegay in ay u Baqooleen Dhanka Gobolka Bari .

Inkastoo aan la ogeyn Sababta Ciidamadaasi ay Galkacyo uga abxeen ayaa hadana warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayan in Maamulka Puntland ay kusoo Furmeen Daloolo dhowr ah oo u baahan n ay iska difaacaan.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay ku Biiri doonan Ciidamo ka tirsan Puntland oo ku wajahan Deegaanka Qandala oo la sheegay in Kooxda Daacish ay Weerar kusoo qaaday .

Puntland weli kama aysan Hadlin ka bixitaanka Ciidamada Puntland ee Galkacyo sidoo kale Galmudug Dhankeeda kama aysan hadlin.