Animation

DEG DEG Puntland iyo Galmudug oo ku dagaalamay Galkacyo

no responses
Sunday November 22, 2015 - 7:54 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi Saaka uu ka bilaawday iska horimaad Culus oo u dhaxeeya Ciidamada MaamuladaGalmudug iyo Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Rasaas xoogan laga maqlayo qeybo ka mid ah Magaalada Gaalkacyo, iyadoona Dadka degaanka ay baqdin ka qabaan in uu khasaaro ka soo gaaro israsaaseyntaasi.

Iska horimaadkan ayaa ka dhashay dhismo Maamulka Puntland ay ka wadaan wado gasha Degaanada uu ka arimiyo Maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaro nafeed uu ka dhashay iska horimaadkan Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland ku dhexmaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Facebook Comments