Animation

DEG DEG: Odayaasha Dhaqanka Hiiraan iyo Sh.dhexe oo Heshiis ka gaaray Tirada kuraasta Guude ee baarlamaanka Cusub ee Maamulkaasi

no responses
Monday September 19, 2016 - 4:07 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka Ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa ku soo waramaya in Odayaasha Dhaqanka ee labada gobal ay ku heshiiyeen in tirada kuraasta Guude ee baarlamaanka maamulku yeelanayo ay noqoto 71 xubin, sidoo kalana ay isla garteen sida beelaha ku nool deegaanada labada gobal ay u kala qeybsanayaan Kuraasta.

Magaalada Jowhar Waxaa Goor dhaw saxaafadda kula hadlay Xubno kala matalayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, IGAD oo qeyb ka ah dhismaha Maamulka labada Gobal iyo Odayaasha dhaqanka labada Gobal ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Goordhaw naga Filo Shirka Jaraa’id iyo Qodobada lagu heshiiyay oo Dhameystiran Insha allah