DEG DEG: Ninkii Kooxda Daacish u qaabilsana dilalka muqdisho iyo sawir qaadihii oo gacanta lagu soo dhigay

0

 

Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka ayaa gacanta kusoo dhigay Ninkii Askariga Taraafikada ku dilay magaallada Muqdisho iyo ninkii Sawir qaadaha ahaa ee duubaayay xiliga uu dhagar qabaha dilaaga ah uu askariga taraafikada ah tooganaayay.

Labadaan ruux ayaa waxa ay ka tirsanyihiin kooxda daacish waxaana dhowr jeer ay dilal ka geesteen magaallada muqdisho iyagoo weliba iska duubaayay muuqaal xiliga ay falka dilka ah geesanayan oo baraha bulshada ee kooxda daacish lagu baahin jiray.

Ninkaan ayaa kooxda daacish u qaabilsanaay dilalka qorsheysan ee magaallada muqdisho iyo magaallooyinka ku dhaw dhaw ka dhici jiray.