Animation

DEG DEG: Nin shabaab ah oo qof ku dilay suuqa bakaaraha oo isagana lagu toogtay meesha uu toogashada ka geestay

no responses
Monday May 29, 2017 - 11:48 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno suuqa bakaaraha ayaa waxa ay sheegayan in ciidamada ammaanka ay toogasho ku dileen dagaalame ka tirsan alshabaab .

Ninkaan shabaabka ah ay ciidanka toogteen ayaa la sheegay in uu dilay qof isla goobta uu dilka ka geestay isagana ay ku dileen ciidanka NISA.

Dilka ninkaan ayaa wuxuu ka dhacay meel aanan ka fogeyn Masaajidka daawada ee Suuqa Bakaaraha.

Meydka ninka shabaabka ah ee ciidanka ay toogteen ayaa yaala goobta uu dilka ka geestay ee isagana lagu dilay .