Animation

DEG DEG: Nin la dhashay Taliyaha NISA Genaral Gaafoow oo ku guuleystay Kursiga Aqalka Hoose ee Galmudug+Sawirro

4 responses
Thursday November 17, 2016 - 10:17 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xildhibaan Cabdulqaadir Gaafoow Maxamuud ayaa ku soo baxay Doorashada xubnaha baarlamaanka ee Aqalka Hoose ee maanta ka dhacday magaalada Cadaado.

Mudanahaan ayaa waxaa la tartamayay, Maxamed Maxamuud Guure, Sakariye Maxamed Cosoble iyo Cabduqaadir Nuur Caraale, inkastoo ay tanaasuleen xubnahaan markii danbe.

C/qaadir Gaafow Maxamuud ayaa helay 48 cod oo gacan taag ah, waxana ay walaalo yihiin C/laahi Gaafow Maxamuud oo hada ah Taliyaha Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Shalay ayaa waxaa lagu doortay magaalada Cadaado xildhibaano gaarayay 8-xildhibaan kuwaasi oo kala ahaa.

1-Mustaf Shiikh Cali dhuxulow

2-Xuseen Qaasim Yuusf

3-Xirsi Aadan Rooble

4-Maxamed C/lle Faarax(geeseey)

5-Xasan Macalin Maxamuud

6-Bootaan Ciise Caalin

7-Saadaq Cabdikariin Xaaji Ibraahin

8-Cadow Cali Gees

1-1-3 2-1-2 3-1-2 4-1-2 5-1-2 6-1-1 7 8-1-1