Animation

DEG DEG: Muuse Suudi Yalaxoow Miyuu ka Haray Aqalka Sare ee Hirshabeele mise wuu Guuleystay????

2 responses
Wednesday November 9, 2016 - 2:02 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa Wali Magaalada Jowhar ka socda Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Maamulka Hirshabeele.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeele ayaa Goordhaw u Codeeyay Siyaasiga Muuse Suude Yalaxow in uu Noqdo Kursiga Seddexaad ee Aqalka sare ee Hirshabeele.

Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku guuleystay kursiga 3aad ee Aqalka sare, isagoohelay 91-cod, halka Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Xasan Cali Caadle uu helay 4 cod kaliya.

Muuse Suudi Yalaxow waxaa uu Horay u aha Hogaamiye Kooxeedkii Muqdisho Balse Hada waxa uu kamid Noqonaya Xubnaha Aqalka sare oo Sida Muuqata ay Aqalka sare La isugu geeyay Siyaasiyiin iyo Qab qablayaashii Dalkaan Sidaan qaribay.

Doorashada Weli wey socotaa Kursiga Afaraad ayaana loo Codeynaya.