Animation

DEG DEG: Musharixii ay wadatay Madaxtooyada Soomaliya oo kusoo baxay Kursiga Aqalka Hoose ee Cadaado oo Maanta loo diiday Shiikh C/qaadir Calicumar+Magaciisa

no responses
Friday December 2, 2016 - 11:52 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Cadaado waxaa Maanta oo jimco ah ka dhacay Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose waxaana Maanta la dooranayay Kursi kamid kuraasta ka harsan Aqalka Hoose.

Doorashada Maanta oo Dood xoogan ay ka jirtay ayaa waxaa kusoo baxay  Xildhibaan C/naasi Nuur Shuuriye, oo 45 Cod waxaana Ninkaan sida la sheegay waxaa watay Madaxtooyada Soomaliya.

C/naasur Shuuriye wuxuu tartan u muuqday mid lagu shubtay uu kaga adkaaday Cali Sheekh Doon Cabdi waxaana Sida sharciga aheyd kursigan u tartamaayay Shiikh C/qaadir Cali Cumar Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Dowladii shiikh shariif oo loo diiday in uu galo goobta ay ka socoto Doorashada Cadaado.

Shiikh C/qaadir Cali Cumar wuxuu sheegay in maanta loo diiday in uu u tartamo kursiga aqalka Hoosee ee beshiisa wuxuuna arintaasi ku eedeyay Maamulka Galmudug iyo Madaxtooyada Soomaliya.

Doorashada Cadaado ka socota ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa hareeyay Dood iyo Muran xoogan oo ka taagan kuraasta aqalka Hoose oo sida la sheegay qaarkood ay si xoog ah kusoo baxaan maadama ay taageero ka helayan Maamulka C/kariim Guulled iyo Madaxtooyada Villa soomaliya waxaana shalay Guddiga doorashooyinka ay sheegeen in Doorashada Cadado Natiijada qaar ee kasoo baxday aysan Guddiga doorashooyinka Aqabali doonin.