Animation

DEG DEG: Musharax Cali Balcad oo ahaa Agaasimihii Madaxtooyada Villa Soomaliya oo ku….

no responses
Wednesday November 16, 2016 - 5:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose oo Ilaa iyo Cawada soo gaadhay ayaa Ergooyinka waxa ay u Codeynayan Xildhibaanada kamid Noqonaya Baarlamaanka Soomaliya.

Ergada ayaa u codeysay Musharax Cali Balcad oo La tartamaya Musharixiin kale waxaana Cali Balcad u suurta gashay in Codad gaaraya 44 Cod uu kusoo baxay Kursiga Aqalka Hoose ee Beeshiisa .

Musharax Cali Balcad ayaa ka Adkaaday Xaliimo Maxamed Cumar oo Horay u aheyd Xildhibaan ka tirsaneyd baarlamankii Hore ee Soomaliya ee Hada waqtigiisa uu dhamaaday.

balcad

Xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa Horay usoo Noqday Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya Wuxuuna kamid Noqonaya Xildhibaanada Aqalka Hoose ee la Safan Xasan shiikh kuwasi oo maanta Guulweyn soo gaaray.

Doorashadii ka dhacday maanta magaalada Cadaado ayaa waxaa sidoo kale ku guuleystey agaasime ku xigeenka madaxtooyada Saadaq Cabdkariin.

Aqalka Hoose ee Galmudug iyo Hirshabeele Maanta waxaa kusoo baxayn Xildhibaanadii Ugu Badneyn ee ku jira Xisbiga Xasan Shiikh Waxayna taasi ka dhigantahay Guul usoo hoyatay Madaxweynaha Waqtigiisa uu dhamaaday ee Xasan Shiikh Hadana ah Musharax Markale u taagan in Xilka Madaxweyne uu qabto.