Animation

DEG DEG: Mudo 24 Saac Gudaheed oo Wasiirkii Labaad oo ka tirsan Galmudug uu Iska Caislay Xilka+Magaciisa iyo Sababta uu isku Casilay

no responses
Saturday October 22, 2016 - 11:05 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno Magaalada cadaado ee Xarunta KMG maamulka Galmudug aya waxa ay sheegayan in Goordhaw uu Saxaafada kula hadlay Gudaha Magaalada Wasiiru dowladaha Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdiraxman Maxamed Cisman Sayruuq Isagoona ku dhawaaqay in uu Iska Casilay Xilkii uu ka haayay Galmudug.

Wasiirka ayaa Is Casilaadiisa ku Macneeyay in awoodii maamulka Galmudug ay gacanta u gashay shaqsiyaad gaar ah kuwaasi oo ku sheegay in Cadaado ay ku Suganyihiin.

Is Casilaada Wasiiru Dowlaha Wasaarada Qorsheynta Galmuudg ayaa waxa ay kusoo Beegmeysa iyadoo Sidoo kale uu Xilka ka tagay Wasiir ku xigeenka wasaarada deegaanka Daaqa iyo Dhirta Cabdifitaax Maxamuud Axmed waxayna taasi noqoneysa in Mudo 24 Saac Gudaheed ay Xilalka iska Casileen Laba wasiir.

Is Casilaada wasiiradaan ayaa Galmudug waxa ay ku noqoneysa Dhabar jab Xoogan iyo Fashil Dhanka Maamulka ah Maadama Mudo 24 Saac Gudahood Laba Wasiir ay Istiqaalada gudbiyee.

Galmudug hada waxa ay dhisantahay Mudo Sanad ka badan waxaana Siyaasiyiinta qaar ay sheegaan in Madaxda Hogaamisa Maamulka Galmudug ay aad ugu fashilmeen in Dowlada ay meel wanaagsan gaarsiiyaan Howla wanaagsan ay qabtaan.

Galmudug weli kama aysan Hadlin Is Casilaada Wasiiradaan.