DEG DEG: Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo laga Keenay oo gabi ahaanba Bur buray

0

Mooshinkaa Maalin ka hor laga keenay Madaxweyne Farmaajo ayaa muddo 24 saac kadib Bur buray .

Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdi Kariin Buux ayaa xaqiijiyay in Mooshinka uu bur buray kadib markii ay dacwad ay soo gudbiyeen xildhibaano 14 gaaraya oo magacyadooda Looga Been abuurtay Mooshinka.

Xoghayaha wuxuu sheegay in 92 Xildhibaan oo horay loo sheegay in mooshinka ay saxiixeen haddii 14 laga jaro ay noqoneyso 78 taasi oo sharci darro ka dhigeysa in dacwad been abuur ah lagu soo oogo Madaxweyne Farmaajo.

Go’aankaan ayaa waxa uu dhabar jab xooggan ku noqonaya xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka wuxuuna biyo qaboow ku shubaya xasaradda siyaasaddeed ee mooshinka ka dhalatay.

Halkaan ka Aqriso Qoraalka Xoghaya