DEG DEG: Mooshinkii Laga keenay Guddoomiye Jawaari oo Fashilmay Iyo Xildhibaano Bilaabay in ay….

0

Mooshinkii saakay laga gudbiyay guddoomiyaha golaha shacabka ayaa qarka u saaran in gabi ahaanba laga taqaluso ka gadaal markii ay dib u gurasho sameeyeen xildhibaano dhowr ah oo horay mooshinka u saxiixay.

Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa kala jabay waxaana hadda mooshinka kusoo haray xildhibaano kooban oo iyagana u muuqda in ay dib uga noqonayan mooshinkii ay horay u saxiixeen.

Inkabadan boqol xildhibaan ayaa horay mooshinka u saxiixday haddana waxaa isku soo haray wax ka yar 70 Ilaa 80 xildhibaan.

Waxaa dhameystirmi waayay tiradii loogu tala galay in mooshin ka geyso Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ah 3/1 (seddex meel hal meelood).

Saacaddaha soo socda ayaa lagu dhawaaqi doona in uu jabay mooshinkii saakay laga gudbiyay guddoomiyaha golaha shacabka Prof maxamad shiikh cusmaan jawaari.

Sida uu qao Dastuurka KMG, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kalsooni kala noqoshadiisa ay soo jeedin karaan 3/1 (saddex meel hal meel) tirada xildhibaanada Baarlamaanka (92), isla markaana ay xilka ka qaadi karaan 3/2 (sadddex meel laba meel) tirada xildhibaannada Baarlamaanka (184) oo ah cod qarsoodi ah.