Animation

DEG DEG: Maxkamadda sare ee dalka kenya oo war deg deg ah ka soo saartay xeritaanka xerada qaxootiga ee Dhadhaab

no responses
Thursday February 9, 2017 - 9:26 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa is hortaagtay go’aanka ay dowladda ku dooneysay inay ku xirto xerada qaxootiga ee Dhadhaab, qaxootiga halkaa ku noolna ay dib ugu celiso Soomaaliya.

Maxkmadda sare ayaa go’ankaasi ku tilmaantay mid aan dastuuri ahayn.

Dolwadda ayaa soo saartay amarka xiritaanka xerada Dhadhaab sanadkii la soo dhaafay.

Go’aankaan ay maxakamadda sare ee kenya ay qaadatay ayaa waxa ay ka dhigantahay in qaxootiga soomaliyeed ee ku nool xeryaha dhadhaab ay halkaasi kusii sugnaan doona oo dowladu aaney soo masaafurin karin.

Xeryaha qaxootiga ee dhadhaab waxaa ku nool kumanaan soomali ah oo dalka ka soo barakay sanadii 1990-kii waqtigaas oo dalka ay ka dhaceen dagaalo kadib markii ay bur burtay dowladii dhexe ee soomalia.