Breaking News Somali News Top News

DEG DEG: Maxkamadda Racfaanka G.Banaadir oo Amartay in C/raxmaan Cabdi shakuur Dalka ka dhoofi Karin.( Go’aan Culus Akhriso)

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa burburisay go’aankii maxkamadda gobolka banaadir ay ka gaartay dacwadii loo heystay siyaasiga C/raxmaan cabdi shakuur oo aheyd in siyaasiga uusan wax dambi ah laheyn go’aankana aan racfaan laga qaadan karin.

Maxkamadda racfaanka oo maanta u fariisatay dacwadda loo haysto siyaasiga ayaa go’aan ku gaartay in xeer ilaalinta qaranka loo fasaxo baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa.

Sidoo kale maxakamadda racfaanku waxay safarada ka mamnuucaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka dacwadda loo haysto gudaha dalkana kama bixi karo mudada baaritaanka lagu wado.

Dhinaca kale waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qareen oo ay sheegtay inay diideen inay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto. Shan kamid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah, iyo inay bixiyaan lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000. Sedexda qareen ee kale iyana waxa lagu xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000.

Related posts

DEGDEG: Mudaharaadyo Hareeyay Dalka Congo Iyo Booliska Dalkaas oo

gurey

Eng Yariisow iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan xasaasi ah yeesha+Sawirro

admin

Daawo: Qaabka loo dilay Ajnabi u shaqeeynaayay Hey’adda UNICEF oo shalay lagu dilay Muqdisho

admin