Animation

DEG DEG: Maxkamad dil toogasho ku xukuntay 6 dhalinyaro soomali ah ladib markii lagu soo eedeyay in ay….

no responses
Monday February 13, 2017 - 11:34 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka puntland ayaa maanta xukuno dil ah waxa ay ku riday 6 dhalinyaro oo lagu soo eedeeyay in ay dilal geesteen.

Maxkamaddu waxa ay dhalinyaradaan kusoo oogtay eedeymo la xiriira in dilal bareer ah ay u geesteen dad shacab ah.

Dhalinyaradan oo 6 nin ah ayaa waxa ay in mudo ah ku xirnaayeen xabsi ku yaala gobolka bari maanta ayaana maxkamadda xukun ku riday.

Cadeymo  badan ayaa maxkamadda la horkeena sida uu sheegay qaadiga xukunkaan riday isagoona sheegay in ay cadaatay dhamaan dambiyadii dhalinyaradan lagu soo eedeyay.

Dhalinyaradan ayaa Da’dooda waxa ay u dhaxeysaa 20 sano ilaa 35 sano, waxaana in mudo ah ay ku xirnaayeen xabsi ku yaalla Gobolka Bari.