Animation

DEG DEG: Maxamad Qanyare Wiilkiisa oo Ku Guuleestay Doorashada Aqalka Hoose ee Galmudug

no responses
Tuesday November 22, 2016 - 9:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Cadaado waxaa Maanta dib uga Bilaabatay Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Galmudug uga Mid Noqonaya Baarlamaanka Cusub.

Musharrixiin Culus ayaa Maanta ku tartameysa Qaar kamid ah Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya.

Ergada Doorashooyinka ayaa guda galay Codeynta Kuraasta Aqalka Hoose waxaana Ergada Beesha Murasade ay u Codeeyeen Wiil uu dhalay Maxamad Qanyare Afrax Waxaana lagu Magacabaa Cabdi weli Maxmed qanyare Afrax.

Cabdi weli Maxamad Qanyare Waxa uu Doorashada kula tartamay Musharax kale oo lagu Magacaabo Bashir cali cadow.

Sidaasi waxaa kursiga ugu Horeeyo ee Doorashada Maanta Cadaado ka bilaabatay ugu guuleestay Xildhibaan Cabdi wali Maxamad Qanyare.

Cabdi wali Ina Qanyare wuxuu horay Uga Mid ahaa Xildhibaanadii Hore ee Dowlada Hada waqtigeeda dhamaaday wuxuuna markale Fursad u helay in uu kamid noqdo Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Federaalka.

Doorashada weli wey Socota Kuraasta kale ee Aqalka Hoose ayeyna Hada u Codeynaya Ergada Doorashooyinka Galmudug.

qan1-768x576 qan2-640x480 qan3-768x512 qan4-640x376 qan5-768x452