DEG DEG: Maxamad Mursal Shiikh oo ku guuleysatay doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Hambalyo

0

Maxamad mursal shiikh C/Raxmaan oo ku guulleysatay doorashada guddoomyaha Baarlamaanka waxaana codadka uu helay ay gaarayan 147 cod.

Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdi weli Muudeey ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada isagoo sheegay in Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan uu ku guuleystay Guddooomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii uu helay codadka ugu badan oo gaaraya 147 halka Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow uu helay 118 cod.

Sawaxan ayaa ka bilowday hoolka golaha shacabka iyo fantasyo lagu muujinaayo guushamaxamad mursal shiikh.

Magaallada Muqdisho dabaal dagyo ayaa durbaba ka bilaabmay waxaana la maqlaya Rasaas badan oo u muuqata mid loogu dabaal degaayo guusgha guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamad mursal shiikh.