Animation

Deg-deg; Maxaadan Ogeyn Oo Naxdinteeda Leh Oo Hadda Kismaayo Laga Soo Sheegayaa????

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 8:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubbaland ayaa sheegaya in ay ciidamada Nabadsugida ee Jubbaland saaka gacanta ku dhigeen baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa iyo qofkii watay oo isku diyaarinayey in uu isku qarxiyo mid kamid ah goobaha ugu mashquulka badan ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa ku qabtay ninkan iyo gaarigiisa mid kamid ah Jidadka muhiimka ah ee magaalada Kismaayo, waxaana xiligaas ka dhoofi lahaa garoonka diyaaradaha wafdi ka socda Jubbaland oo kusii jeeda magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Maamulka ayaa diidey in ay faahfaahin ka bixiyaan, waxaana dadweynaha oo dhan loo diiday in ay ku soo dhawadaan halka baabuurkan iyo ninka watayba lagu qabtay.

Naftii Haligahan ayaa isku dayay in uu is qarxiyo, balse uma aysan suuragalin, iyadoo ay ku soo dhawadeen baabuurta kahortaga Miinooyinka, taas oo kaliftay in ay waxba qaraxa ka dhalan gaarigan.

Shacabka Kismaayo ayaa aad u hadal haya arrimahan, iyadoo goor horeba ciidamadu ay bilaabeen howlgalo deg deg ah oo ay ku beegsanayaan meelihii laga soo abaabulay qaraxyadan.