Animation

DEG DEG: Maxaadan Ogeyn oo Naxdin ah oo Hada laga soo sheegaya Xaafadaha ku dhaw Dhaw Madaxtooyada Villa Somaliya ee Muqdisho????

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 11:06 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Tiro Madaafiic ah ayaa Daqiiqado yar ka hor waxa ay ku soo dhaceen Xaafadaha ku dhaw dhaw Madaxtooyada Villa Soomaliya.

Ilaa7 Madaafiic ayaa kuso dhacday Agagaarka Madaxtooyada Villa Soomaliya Inta ugu badan waxa ay ku dhaceen Halka loo yaqaan15May oo u dhaw Madaxtooyada.

Uuro iyo Qiiq Badan ayaa is qabsaday Xaafadaha ku dhaw dhaw Madatooyada waxaana hada la maqlaaya Gawaarida Gurmadka Deg Dega oo kusoo qul qulaaya Goobaha ay Madaafiicda ku Dhaceen.

Madaxtooyada Villa somalia waxaa goordhaw ka furmay Shirka Madasha qaran waxaana ay tani muujineysa in Madaaficdan lagu qal qalgalinaayo Madaxda Shirka ka qeyb galeysa.

Lama oga in Madaxtooyada gudaheeda ay Madaafiicda ku dhaceen iyo in kale Balse Ilo Madax banaan oo ku sugan Madaxtooyada ayaa sheegay in Madaafiicd aQaarkood ay kusoo dhaceen Madaxtooyada.

La soco wixii ku soo Kordhaa Insha allah

Facebook Comments