Animation

DEG DEG: Maxaadan Ogeyn oo Halisteeda leh Saakay Laga soo sheegaya Magaalada Galkacyo???

2 responses
Thursday November 17, 2016 - 5:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu Saakay ka heleyno Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegayan in Xaalada ay tahay Mid kacsan oo Laga Dareemaayo Xiisad Magaalada ka dhex jirta.

Xiisadaan ayaa Timid ka gadaal Markii Xalay Rasaas xoogan laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Galkacyo.

Rasaasta ayaa la sheegay in ay ka dhaceysa Saldhig ay Ciidamada Puntland ku leeyihiin Magaalada Waxaana la sheegay in saldhiga la weeraray Inaksto warar kaloo Ka madax banaan warkaasi uu sheegaayo in Ciidanka Puntland ay Iyaga weerarka ku qaadeen Xaafada Hormar ee Galkacyo dhanka Galmudug Markaasna ay Iska Caabin kala kulmeen Ciidanka Galmudug.

Suuqa Darxumo ee Magaalada Galkacyo ayaa Hada waxaa ka dhaceysa rasaas Goos goos ah oo ay Is weydaarsanaya Ciidamada Labada Maamul waxaana Xirmay Guud ahaan Dhaqdhaqaaqii Ganacsiga Suuqa Iyadoona Laga cabsi qabo in Dagaal uu dhexmaro Labada Maleeshiyo.

Odayaasha labada dhinac ayaa wada dadaalo ah in uusan mar dambe dib u soo laaban dagaal ka dhaca magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha Puntland ayaa Galmudug waxa ay ku Eedeynaya in Xabad joojin ay Jabineyso sidaasi oo kale Galmudug Dhankeeda waxa ay eedeyn u jeedisay Puntland.

Ciidamada Labada Maamul ayaa weli Isku Horfadhiya Halkii Lagu dagaalamay waxaana Madaxda Labada Maamul ay ku guuldareysteen in Ciidamada ay kala Qaadaan.