Animation

DEG DEG: Maxaadan Ogeyn oo Halisteeda leh oo Hada laga soo sheegaya Magaalada Galkacyo ???? War ayaan idin kaga heynaa

no responses
Saturday October 22, 2016 - 3:52 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu Hada ka heleyno Magaalada Galkacyo ayaa Waxa ay sheegayan in Goordhaw Galbeedka Magaalada uu ka qarxay Dagaal Culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Daryanka Qoryaha Culsu iyo Rasaas xoogan ayaa laga Maqlaaya Halka ay isku Horfadhiyaan Ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Lama Oga qasaaraha ka dhashay Dagaalka waxaana Galkacyo Galbeedkeeda ay Noqotay Meel ay ku hardamaan waqti kastana ay ka dhacaan Dagaalo dhiig badan uu ku daato.

Dagaalka wuxuu ku Bilowday Marka Hore Rasaas Goos goos ah isagoona Marka dambe isku Badalay Hubka Culus oo Hada laga Maqlaayo Xaafadaha ka Fog fog Halka dagaalka uu ka socdo.

Labada Maamul Masuuliyiintooda weli kama aysan hadlin Dagaalka Markale Galabta dib uga qarxay Magaalada Galkacyo.