Animation

DEG DEG: Maxaadan Ogeyn oo Halis weyn ku ah Ganacsatada oo cawada laga soo sheegaya Suuqa Bakaaraha???

no responses
Wednesday November 23, 2016 - 9:13 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu Cawada ka heleyno Suuqa Ugu weyn Ganacsiga Soomaliya ee Bakaaraha ayaa waxa ay sheegayan in Kooxo Hubeysan ay Caawa dhac iyo Boob xoogan ay u geesteen Qaar kamid ah Goobaha Ganacsiga Suuqa Bakaaraha.

Koooxo Hubeysan oo Burcad ah ayaa Caawa Fiidkii waxa ay dhac u geesteen Goobo ganacsi oo Suuqa Bakaaraha ku yaala waxaana Dad Goob joogayaal ah ay sheegen in Dableyda ay Rasaas fureen kadibna ay dhac iyo Boob u geestreen Mehradaha Ganacsiga iyo Bakhaarada.

In ku dhaw 7 Dukaan ayey Dableyda Dhaceen waxaana la sheegaya in Lacago aad u fara Badan ay Dukaamada ka dhaceen Kooxda Hubeysan.

Lama oga Ilaa iyo Hada Kooxda Dhaca geesatay iyo Halka ay ka yimaadeen Mana jirto wax Maamul ah oo ilaa iyo hada ka hadlay Dhacaan Cawada loo geestay qaar kamid ah Goobaha Ganacsiga Suuqa Bakaaraha.