Animation

DEG DEG: Maxaadan Ogeyn oo Hada si Toos ah uga Bilowday Magaalada Kismaayo???? war ayaan idin kaga heynaa

no responses
Tuesday October 18, 2016 - 9:38 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ka bilaawday dhageysiga khudbadaha xubnaha murashaxiinta u taagan xilka Aqalka Sare ee maamulka Jubbaland.

Murashaxiinta ayaa haatan waxa ay khudbadahooda ka hor jeedinayaan mudanayaasha baarlamaanka maamulka Jubbaland, si ay u soo bandhigaan waxqabadooda ku aadan gudashada waajibaadkooda Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya.

Bari oo ay taariikhdu ku beegan tahay 19/10/2016 ayaa lagu wadaa in baarlamaanka Jubbaland ay doortaan xubnaha Aqalka Sare umatalaya dowlad goboleedka Jubbaland.