Animation

DEG DEG: Maxaadan Ogeyn oo hada laga soo sheegaya Magaalada Galkacyo Iyadoo Rasaas Xoogan laga Maqlaayo Xaafado ka…..

3 responses
Wednesday November 16, 2016 - 7:26 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka Imaanaya Magaalada Galkacyo ayaa Waxa ay sheegayan in Rasaas xoogan laga Maqlaayo qeybo kamid ah Magaalada Galkacyo.

Rasaasta ayaa laga maqlaya qeybo kamid ah magaalada Galkacyo waxaana jirta Warar Is qilaafsan oo ka soo baxaya.

Warar hoose oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayan in Weerar lagu qaaday Saldhig ay Ciidamada Puntland ku leeyihiin Aaaga Saldhiga Miir ee magaalada Gaalkacyo Weerarkaasi ayaa la sheegaya in loo Adeegsaday Rasaas iyo Bambaano inkasto warkaasi aan weli la Xaqiijin.

Warar kaloo madax Banaan oo aan heleyno ayaa sido kale waxa ay sheegayan in Ciidamo ka tirsan Puntland ay weerar kusoo qaadeen xaafad Lagu Magacaabo Hormar ee Dhanka Galmudug ku taala waxaana jira qasaaro ka dhashay Rasaasta dhaceysa.

qeybo kamid ah Magaalada Galkacyo waxaa soo gaareysa Rasaas Wiifto ah waxaana dadka qaar ay Inoo sheegen in Rasaas teel teel ah Hada Magaalada Laga maqlaayo.

Inkasto aan si Rasmi ah loo ogeyn Halka Rasaasta ay ka dhaceyso iyo Cida Rideyso ayaa Hadana Warar kala duwan ay ka qorayan Warbaahinta Labada Maamul kala Taageerta.