Animation

DEG DEG: Maxaadan Ogeyn oo Hada laga soo sheegaya Magaalada Galkacyo Iyadoo ay Jiraan Ciidamo aad u badan oo Magaalada Kusii qul qulaaya????

no responses
Wednesday November 9, 2016 - 6:34 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka Saakay ka Imaanaya Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegayan in Xaalada ay tahay Mid dagan oo ayssn Jirin Wax dagaal ah oo Magaalada ka socda.

Wariye ka tirsan Jubaland24 oo Galkacyo ku sugan ayaa soo sheegaya in saakay Xaladu ay Dagantahay Balse ay jiraan Ciidamo badan oo Magaalada soo gaaray Kuwaasi oo Labada Maamul ay Magaalada kusoo daad gureynaya.

Ciidamada ayaa la sheegaya in lagu keenayay Baabuurta Waaweyn ee lagu daabulo Ciidamada waxaana Muuqata in Labada Maamul ay usii diyaar garoobayan in Markale ay ku dagaalamaan Magaalada Galkacyo.

Inkastoo Xaalada ay tahay Mid dagan Hadana waxaa jirta Cabsi xoogan oo laga qabo in Markale uu dagaal dhaco Maadama Labada maamul ay Ciidamo Horleh Magaalada soo galiyeen.

Maamulada Galmudug iyo Puntland weli kama aysan hadlin Cida bur burisay Xabad joojinta Maalin ka hor ay gaareen Labada Madaxweyne.