Somali News Top News

DEG DEG: Alshabaab oo Ciidamadii ugu Badnaay Cawada soo dhoobtay Galgaduud iyagoona ku wajahan Dagmooyinka …..

Waxaa Caawa Duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ka taagan xiisad udhaxeysa maamulka Ahlu-sunah Waljameeca iyo Al-shabaab.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ciidan lagu qiyaaso Kun Askari oo ka tirsan Shabaab oo wata Gaadiidka Dagaalka ay gaareen deegaanada Warxole iyo Biyo-cade oo ka tirsan duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidanka Ahlu-sunah iyo iyo saraakiishooda, sidoo kale xiriiro aan la sameynay ma aysan inoo suura gelin inaan khadka ku helno.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa ku waramaya in Dagaalyahanada Shabaab ay ka amba baxeen Ceeldheer iyo tuulooyin hoosyimaada gobolka Galgaduud, islamarkaana ay isugu tageen Warxole iyo Biyo-cade oo ka tirsan duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Odayaasha Dhaqanka oo aan dhankooda la xiriirnay ayaa inoo sheegay in Shabaab ay yimaadeen duleedka Guriceel, sidoo kalena ay dalbadeen in ay kulamo la qaataan Waxgaradka Guriceel.

Related posts

XOG: Maxaa Saaka kusoo kordhay Wararka la xariira Geerida Hogaamiyaha Al-shabaab..

Tifaftiraha K24

Howlgalo culus oo ka socda Gobolka Galgalgadud.

admin

War Cusub: Dagaal Xoogan oo ku dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea soohdinta ay ku muransan yihiin.

Tifaftiraha K24