DEG DEG: Masuul Xafiiskiisa Muqdisho ku Geeriyooday

no responses
Thursday November 9, 2017 - 7:48 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Janaraal Cali Maxamed Cali oo horay u ahaa Taliyihii Ciidanka ilaalada Wadooyinka Xamar.

Taliyaha ayaa maalmahanba ku xanuunsanaa Magaalada Muqdisho, Waxaana uu ku dhex geeriyooday xafiiskiisa oo hooy u ahaa.

Ehelada Janaraal Cali Maxamed Cali ayaa Warbaahinta gudaha uxaqiijiyay Geeridiisa, waxeyna sheegeen in xaaladiisa maalmahan ka soo reyneysay balse xalay mar kaliya lagu soo booday.

Maanta ayaa lagu wadaa in meydka Marxuumka lagu aaso Magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qeybgali doona saraakiil katirsan Ciidamada Booliska gaar ahaan kuwa ilaalada Wadooyinka ee Taraafika.

Janaraal Cali Maxamed Cali, ayaa howlo badan uqabtay Qaranka Intii uu Noolaa isagoo laba jeer noqday Taliyaha Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee Xamar, Wuxuuna kala wareegay Janaraal Cali Gaab.

Facebook Comments