Animation

DEG DEG: Masuul ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo Ku Geeriyooday Dagaalkii Galabta Alshabaab ay ku soo qaadeen Dagmada Afgooye+Magaciisa

no responses
Tuesday October 18, 2016 - 6:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Dagaal Xoogan oo qorsheysan Galabta Alshabaab ay ku qaadeen Dagmada Afgooye ayaa waxaa hada ka soo baxaya Faah faahin dheeraad ah oo ku aadan Qasaaraha ka dhashay Dagaalka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali ayaa Xaqiijiyay in Dagaalkii Galabta uu ku geeriyooday  Iskuduwaha Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Koofur Galbeed, Maxamuud Daahir Qooleey.

Guddoomiyaha Wuxuu Xusay in Shabaabka ay Weerar Gaadmo ah kusoo qaadeen Dagmada Afgooye Fariisimo dhowr ah oo Ciidamada Dowlada ay ku sugnaayeen.

Dagaalka waxaa ka dhashay qasaaro dhimasho iyo Dhaawac Isugu jirta Iyadona Alshabaab ay sheegteen in Dagaalka ay ku dileen ku dhawaad 35 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowlada Federaalka.

Shabaab Waxay sheegten in Dagaalka ay ku Furteen qoryo Dagaal iyo Gaadiid Badan sida Warbaahintooda lagu Baahiyay .

Xaalada ayaa Hada Dagan waxaana Magaalada ka socda Howlgal Baaritaan ah.