Magaalada Baydhabo waxaa ka socda Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana u Tartamaya Musharixiin Dhowr ah .
Ergada ayaa u Codeyneysa Xildhibaanada Cusub ee Aqalka Hoose.
Kursigii koowaad ee Koonfur Galbeed ay ku yeelato Aqalka Hoose ee Soomaaliya , Waxaa ku guulaystay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka kadib markii uu 45 cod kaga guulaystay Craxmaan Sheekh Ibraahim uu helay 5 cod.
Natiijada waxaa ku dhawaaqay Guddiga Doorashada Heer Federaal , kadibna waxaa ku dhawaaqay Guddiga Doorashada dadban ee Heer Maamul goboleed ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Doorashada Weli wey socotaa Xildhibaan Badan ayaana Maanta la dooranaya