Animation

DEG DEG: Maraakiib Dagaal oo Dhowr Gantaal ku Dhuftay Magaalada Qandala oo Ay Gacanta ku haayan Kooxda Daacish

no responses
Tuesday November 1, 2016 - 2:22 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno Magaalada Qandala ayaa waxa ay sheegayan in Maraakiib Dagaal ay Goordhaw duqeyn ku Bilaabeen Gudaha Magaalada oo ay Gacanta ku haayan Kooxda Daacish.

Dhowr Gantaal ayaa lasoo sheegaya in Maraakiibta Dagaalka NATO ay Magaalada kusoo Rideen Iyadoona aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay Gantaaladaasi lagu garaacay Magaalada Qandala.

Dadka deegaanka Qandala oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegaya in Dhwor Gantaal ay Maraakiibta kusoo Rideen Magaalada oo Koox Taabacsan Daacish ay Dhawaan la wareegtay.

Gantaalada ay soo Rideen Maraakiibta Dagaalka ayaa la sheegay in ay ku dhaceen Xarunta Dagmada iyo Saldhiga Magaalada Qandala oo ay ku suganyihiin Maleeshiyada Kooxdan Daacish.

Lama oga Qasaaraha kasoo gaaray Maleeshiyada Weerarkaasi Gantaalada ah ee Maanta lala Beegsaday iyadoona ay sidoo kale Duleedka Magaalada ay Maanta gaareen Ciidamada Difaaca Puntland oo aad u Hubeysan.