Animation

DEG DEG: Magacyada Wasiiro iyo Xildhibaano ku sugnaa Hotel Dayax Markii la weeraray oo la helay {Aqri}..

no responses
Wednesday January 25, 2017 - 9:34 under Breaking News by Kaafi
mqdefault

Waxaa hadda Faah Faahin laga Helayaa Masuuliyiintii Maanta ku jirtay Hoteelka Dayax  oo u badnaa Wasiirada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, Xildhibaano Siyaasiyiin & Waxgarad Ka soo jeeda Deegaanada K/galbeed.

Masuuliyiinta la xaqiijiyay in Hoteelka Dayax ku sugnaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdiraxmaan Sate,Wasiirka Biyaha iyo Macdanta Maamulkasi Aadan Xasan Maxamed (Usama).

Waxaa Sidoo kale la xaqiijiyay in uu hotelka Dayax ku sugnaa Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdullaahi Fareey,Sidoo kale Xildhibaan Black iyo Masuuliyiin kale oo inta badan ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ilaa hadda Waxaan wadnaa Xaqiijinta Masuuliyiinta in ay wax ka soo gaareen Weerarkii Lagu Qaaday Hotelkii ay ku sugnaayeen Ee Dayax iyo In kale.