Animation

DEG DEG: Magaalada Galkacyo oo lagu soo Bandhigay Ciidamo ka tirsan Maamulada Jubbaland iy Puntland oo ka qeyb qaadanayay Dagaalka Galkacyo

no responses
Tuesday October 25, 2016 - 10:13 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayan in taliska Ciidamada Galmudug ay Goordhaw halkaasi kusoo Bandhigeen Maxaabiis ay sheegen in ay ku qabteen Dagaalkii ka dhacay Magaalada Galkacyo.

Maxaabiista lagu soo Bandhigay Magaalada galkacyo ayaa Tiradooda waxa ay gaareysa ilaa Seddex Askari Iyadoona Galmudug ay sheegtay in ay ka qabteen Dagaalkii ka dhacay Galkacyo.

Taliska Galmudug waxa ay sheegen in Ragaan la qabtay qaarkood ay ka tirsanyihiin Ciidamada Maamulka Jubbaland ayna ka bar bar dagaalamayeen Ciidamada Puntland.

Mid ka mid ah Askarta lagu soo bandhigay Gaalkacyo ayaa waxa uu qabaa dhaawac sida ay sheegeen Taliska ciidanka Booliska maamulka Galmudug.

Galmudug waxa ay sheegtay in Jubbaland ay Ciidamo usoo dirtay Puntland si ay uga qeyb qaataan Dagaalka ay kula jiraan Galmudug ee Galkacyo ka socda.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland weli kama aysan Hadlin Ciidankaan Maanta lagu soo Bandhigay Galkacyo ee la sheegay in ay ka tirsanyihiin Jubbaland iyo Puntland.

Naga Filo Goordhaw Sawirro iyo Codad kala duwan