Animation

DEG DEG: Magaalada Galkacyo oo Dagaal qarka u saaran iyo Maleeshiyo Hub aruursi wada wararkii ugu dambeeyay ee Hada la helaayo

no responses
Friday February 3, 2017 - 8:38 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Laba Maleeshiyo beeleed ayaa waxaa laga soo sheegaya deegaano dhaca Bariga Magaalada Galkacyo ee Gobolka bari.

Maleeshiyo kasoo kalajeeda maamulada galmudug Puntland ayaa la sheegay in xiisadaan ay u dhaxeyso waxaana wararku ay sheegayan in xiisada ay dhalatay ka gadaal markii xoolo la kala dhacay.

Hub uruursi ayaa ka socda Bariga galkacyo waxaana laga baqdin qabaa in maleeshiyadaan ay dagaalaman.

Labada maamul weli kama aysan hadli xiisadaan soo cusboonaatay mana jirto cid ilaa iyo hada u istaagtay in ay damiso xiisadaan ka soo cusboonaatay bariga galkacyo.

Puntland iyo Galmudug waxa ay dhawaan ka heshiiyeen dagaalo soo laab laabtay oo ka dhacay Magaalada Galkacyo waxaana xiisadaan soo korodhay ay jabineysa heshiiskii ugu dambeeyay ee Labada Madaxweyne ay Muqdisho ku saxiixdeen .