Animation

DEG DEG: Dhageyso Madaxweyne Xasan Shiikh oo Goordhaw Madaxtooyada Muqdisho Kula Hadlay Warbaahinta Muxuuse ka Hadlay Madaxweynaha????+Sawirro

no responses
Saturday September 10, 2016 - 9:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oo warbaahinta kula hadlay madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin shir madaxeedka IGAD ee ka dhacaya Muqdisho, ammaanka iyo waddooyinka xiran.

Madaxweynaha ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu ka dhacayo shir madaxeedka Urur Gobaleedka IGAD kaas oo fure u ah kulamo kale oo caalami ah oo caasimaddu ay marti galinayso.

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada iyadoo looga goleeyahay inaysan dhicin wax qal qalgalin kara amaanka magaalada iyo shirka sida uu sheegay madaxweynaha Jamhuuriyadda.

“Waxaan shacabka ku boorinayaa inay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka, sidoo kalana ay u dulqaataan wadooyinka loo xiray sababa xagga ammaanka ah.”Sidaasi waxaa yiri Mudane Xasan SHeekh Maxmuud.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay shirka Madasha Qaran ee wali ka socda magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay inuu meel wanaagsan marayo.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Madaxweynaha

 

ib0a1394-630x420 ib0a1400-630x420 ib0a1415-630x420