Animation

DEG DEG: Madaxweyne xaaf oo safar dhulka ah uga soo baxay cadaado hadana ku sugan galinsoor xagee uga sii gudbi doona

no responses
Wednesday June 7, 2017 - 11:47 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha maamulka galmudug axmad ducaalle geelle xaaf oo safar dhulka ah ku maraayay qeybo kamid ah gobolka mudug ayaa waxa uu gaaray dagmada galinsoor ee gobolka mudug.

Madaxweyne xaaf ayaa kusii jeeday magaalada galkacyo ee xarunta gobolka mudug wuxuuna si maraya deegaano iyo dagmooyin gobolka ka tirsan.

Xaaf ayaa safar dhanka dhulka ah uga soo baxay cadaado wuxuuna ku tagi doona galkacyo sida qorshaha uu yahay.

Madaxweynaha ayaa waxooga yar ku hakaday galinsoor isagoona dadweynaha kula hadlay magaalada una sheegay in ay nabadda ka shaqeeyaan ayna u midoobaan wada noolaashiyaha.

Galkacyo ayaa waxaa laga dareemaya diyaar garoow xoogan bacdamaa uu ku wajahanyahay madaxweynaha galmudug axmad ducaalle geelle xaaf.

Facebook Comments