Animation

DEG DEG: Madaxweyne xaaf iyo wafdi uu hogaaminaayo oo ku wajahan magaalada galkacyo iyo ammaanka magaalada oo la adkeeyay

no responses
Saturday June 3, 2017 - 10:15 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya magaalada cadaado ayaa waxa ay sheegayan in madaxweynaha maamulka galmudug axmad ducaalle geelle xaaf uu maanta ku wajahanyahay magaalada galkacyo ee xarunta gobolka mudug.

Magaalada galkacyo ayaa laga dareemaya soo dhaweynta madaxweyne xaaf iyadoona mas’uuliyiinta maamulka galkacyo ay diyaariyeen soo dhaweynta madaxweynaha.

Ammaanka magaalada galkacyo ayaa aad loo adkeeyay waxaaana waddooyinka magaalada lagu daaday ciidamo aad u tiro badan oo ammaanka sugaya.

Xaaf iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa kasoo duuli doona cadaado waan markii ugu horeysay oo galkacyo uu tagaayo tan iyo markii la doortay Saddexdii Bishii hore.

Safarka madaxwayne xaaf ee gaalkacyo ayaa la sheegay in uu ku qotomo dhowr arimood oo ay ugu wayn tahay nabada iyo dib u hashiisiinta gaalkacyo iyo sidii loo dhamaystiri lahaa hashiis ay dhawaan magaalada cadaado  ku gaareen madaxwaynayaasha galmudug iyo puntland.