Animation

DEG DEG+Sawirro: Madaxweyne geelle xaaf iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo oo hada gaaray caabud-waaq muxuuse halkaasi kula kulmay???

no responses
Sunday June 4, 2017 - 10:56 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha maamulka galmudug axmad ducaalle geelle xaaf iyo wafdi balaaran oo u hogaaminaayo ayaa goordhaw waxa ay gaareen dagmada caabdu-waaq ee gobolka mudug.

Madaxweyne xaaf oo socdaal ku maraya dagmooyinka iyo deegaanada galmudug ayaa waxa uu maanta gaaray magaalada caabdu-waaq.

Wafdiga madaxweyne xaaf waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada caabud-waaq iyadoona soo dhaweyntiisa aysan u kala harin ,as’uuliyiin waxgarad haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ammaanka magaalada caabud-waaq ayaa aad loo adkeeyay waxaana la arkaya ciidamo badan oo amniga magaalada sugaya.

Madaxweyne xaaf inta uu joogo caabud-waaq waxa uu la kulmi doona mas’uuliyiinta dagmada, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada isagoona kala hadli doona baahiyaha ay qabaan.

La soco warkaan oo dhameystiran goordhaw insha allah .