Animation

DEG DEG: Dhageyso Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland oo Maamul Cusub u Magacaabay Dagmada….+Magacyadooda

no responses
Sunday September 4, 2016 - 3:43 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Iyadoo Dhawaanahanba Dagmada Ceelwaaq uu ku sugnaay Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa hada la sheegaya in Maamul Cusub loo Magacaabay Dagmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Maxamuud Saydi Aadan Waxaa Socdaalkiisa ku wehlinaayay Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland sida wasiiru dowlaha ammaanka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil iyo guddoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Muxumed iyo wasiirro kale oo Jubbaland ka tirsan.

Maamulka Cusub ee Maanta loo Magacaabay Dagmada Ceel-waaq waxa uu ka Koobnaan doona 15 Xubnood waxaana Gudoomiye looga dhigay Dagmadaasi Ibraahim Guuleed oo horayna u ahaa Guddomiyaha Ceel-waaq  halka ku xigeenkiisa loo magacaabay Sahal Macallin Aadan.

Wararka ay heshay k24 ayaa sheegaya in Wafdiga Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland ay u Amba baxeen Dagmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

La soco Wareegtada ka soo baxday Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan

Facebook Comments