Animation

Deg-deg: Madaxweyne Guuleed oo shir jaraa’id ku Qabtay Cadaado Ayaa Faafaahin kabixiyay Dagaalkii Gaalkacyo, una hanjabay Maamulka Puntland.

no responses
Saturday November 28, 2015 - 12:56 under Somali News by admin
mqdefault

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo ku sugan Magaalada Cadaado ayaa goordhaw qabtay shir jaraa’id uu kaga hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday Magaalada Gaalacyo .

Mudane Guuleed ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dagaalka saakay dib uga qarxay Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna tilmaamay in Ciidamada Maamulka Puntiland ay saakay duulaan kusoo qaadeen Ciidamada Galmudug xili ay fariisamdooda ku sugnaayeen.

Waxa uu tilmaamay Madaxweynaha Maamulka Galmudug in Ciidankooda aysan marnaba duulaan ku aheyn dariskooda ayna difaac ku jiraan, waxa uuna ku eedeeyay dhinaca Maamulka Puntiland ay dulaan yihiin ayna kasoo horjeedaan in nabad lagu wada noolaado.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa ka hadlay kulankii ay shalay Cadaado kuwada qaateen Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxa uuna sheegay Madaxweynaha in ay soo dhaweeyeen dadaalka nabadeed uu waday Ra’isul Wasaaraha.

Waxa uu xusay Madaxweynaha Galmudug in ay aqbaleen in xabad joojin kalala dhax dhigo labada Ciidan balse ay arintaasi kasocon weysay dhinaca Maamulka Puntiland , waxa uuna intaa raaciyay in mar walbo diyaar u yihiin nabad kuwada noolaansho iyo daris wanaag.

Goordhaw FILO shirka jaraa’id ee Madaxweyne guuleed